4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Raysal wasaare Xamse: Kacaan siyaasadeed oo cusub ma noqonayno laakiin aynu noqono Kacaan dalkan nabad kusoo celiya
 

Khamiis, Juun 1, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda, ayaa sheegay in xukuumadda looga fadhiyo dhaqan galinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka.

Raysal wasaare Xamse ayaa dhaqan galinta heshiiska Hannaanka doorashooyinka ku tilmaamay fursad qaali ah oo ay shacabka Soomaaliyeed ku go’aaminayaan masiirkooda.

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreynta dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in xukuumaddu dhawaan bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Alshabaab ku sugan tahay, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka, si ay ciidamada u dhiirri galiyaan.

“Waa in aynaan noqon kacaan siyaasadeed oo cusub, laakiin aynu noqono kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geeddi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya”, ayuu yiri raysal wasaaraha dalka.

Qaab dhismeedka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya, ayaa la kulmay diidmooyin kaga yimid siyaasiyiin ay ku jiraan madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo ku tilmaamay heshiiskan mid baal marsan dastuurka dalka iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

Puntland oo qeyb ah dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federalka, ayaa sidoo kale ka hortimid qorshahaan. Puntland waxay si cad u sheegtay in heshiiskaan uu ka hor imaanayo heshiisyadii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ee 2000 kasoo bilowday magaalada Carta ee Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, barlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in la horkeeno heshiiska qaab dhsimeedka cusub ee doorashooyinka dalka, si ay uga doodaan, go’aanna uga gaaraan.