4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo khadka taleefanka ku wada hadlay

Khamiis, Juun 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay Rajab Dayib Erdogan guusha taariiqiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga Axadii lasoo dhaafay.

"Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxaxtooyada Soomaaliya.

Guusha uu ka gaaray doorashada ku celiska aheyd  madaxweyne Erdogan ayaa waxaa si weyn looga soo dhaweeyay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaana xusid mudan in Muqdisho uu ka dhacay banaanbax lagu taageerayay dib u doorashadiisa.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha sida weyn uga taageera dowladda Soomaaliya tababarada ciidanka xoooga dalka, waxaana magaalada Muqdisho ay ku leedahay Saldhig Milatari oo aad u weyn.