4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Soomaaliya iyo Itoobiya oo iskaashi ka yeelanaya horumarinta Duulimaadka
 

Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Itoobiya ,waxaa ay wada-hadallo la xiriira horumarinta Duulimaadyada, iskaashiga iyo Khibrad wadaaga la qaadanaya mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka Dalka Itoobiya.

“ Itoobiya waa mid ka mid ah waddamada gobolka ee aan la leenahay iskaashiga horumarinta dhinacyada Duulimaadka iyo khibrad wadaaga, waxaana hadda u tagnay Addis Ababa si aan u dhammeystirno is-afgaradka dhinacyadaa la xiriira.” Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sidaa sheegtay.

Socdaalkan waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ,  Axmed Macallin iyo Maareeye ku-xigeenka Hay’adda , Saciid Maxamed.