4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay la taliyihiisa ka hortagga iyo la dagaalanka xagjirnimada
 

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo la-taliyihiisa u qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka Fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha Wata.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ahaa wasiirkii hore ee amniga ee xukuumadii raysal wasaare Rooble. Waxaana lagu tiriyaa saaxiibada madaxweyne Xasan Sheikh, isagoo qeyb ka ahaa dadkii u ololeynayay isbeddelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Cabdullaahi Maxamed Nuur wuxuu soo noqday xildhibaan katirsan barlamaanka, waana ganacsade weyn. Horey wuxuu usoo noqday wasiir udowlihii maaliyadda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.

Bishii September ee sannadkii 2021, ayuu raysal wasaare Rooble u magacaabay wasiirka amniga Soomaaliya, kaddib markii raysal wasaaruhu uu si kedis ah uu xilka uga qaaday Xasan Xundubay Jimcaale.