4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2023
Somaliland oo xabsiga kasii daysay dhallinyaro reer Laascaanood ah
 

Jimco, January, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 29 dhalinyaro ah oo laga soo xidhay bannaanbaxyadii magaalada Laascaanood.

Dhalinyaradan oo laga siidayay xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, ayaa lagu wareejiyay mudan iyo odayaal reer Sool ah, oo ku howlan xal u helista qalalaasaha magaalada Laascaanood.

"Heshiisyadii aanu xukuumadii ula tagnay waa kii koowaad ee la fuliyo, inta kalena way ku daba xigaysa, wax wanaag lagu heli waayay dagaal lagu heli maayo" Badhasaabkii hore ee gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir  ayaa sida yidhi.

Dhallinyarada xabsiga laga siidaayay ayaa iyaguna dhankooda ka mahad sheegtay ciidankii gacanta ku hayay, iyaga oo sheegay in sifiican loola dhaqmay.

"Waxan salaamayaa saraakiisha, aad baanu u nabad qabnaa, dadkii aanu la joognay iyo meeshii aanu ku jirnayba aad ayaanu uga mahad sheeganaynaa, waanu wanaagsanahay 29 ruux ayaanu ahayn si nabadgalyo ahna waanu uga soo baxnay" Cabdinaasir Jaamac Yuusuf oo kamid ah dhallinyarada la siidaayay ayaa sida yidhi.

Siidaynta dhallinyaradan ayaa kamid ah qorshe lagu doonayo in nabad loogu soo dabaalo magaalada Laascaanood, waxayna hormood u tahay fulinta heshiisyo dhex maray xukuumada iyo siyaasiyiinta reer Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayay maanta oo Jimce ah xaaladeedu dagantahay, ciidamada millateriga ayaa magaalada bannaanka ka jooga, waxaana socda dadaalo la doonayo in nabad loogu soo dabaalo magaalada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]