4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2023
Qaramada Midoobay oo ku dhow inay joojiso taageerada xarumaha lagu dhaqan celiyo Shabaabka soo goosta
 

Jimco, January, 6, 2023 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqan celinta dagaalamayaasha ka soo goosta Al-Shabaab, ayaa ku dhow inay joojiso taageerada ay ku bixiso xarumaha lagu dhaqan celinayo Shabaabka soo goosta.

Haya’dda socdaalka aduunka ee IOM ayaa warqad ay soo saartay dhamaadka bishii hore ee lasoo dhaafay, waxay ku sheegtay in aysan sannadkan cusub 2023 haynin dhaqaale ay ku sii wadato howlaheeda.

Hay’addan waxay gacanta ku haysaa taageerada deeq bixiyayaasha xarumaha dhaqan celinta Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo, halkaas oo lagu hayo boqolaal katirsan isisoo dhiibayaasha Alshabaab. .

Hay’adda ayaa dhawaan mas’uuliyiinta Soomaaliya ku wargelisay in dhaqaalaha lagu bixinayo mashruucan oo malaayiin doollar ah uu joogsan karo sanadka cusub haddii aysan dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha aysan heshiis ka gaarin howlaha mustaqbalka ee barnaamijkan.

Barnaamijka daawaynta iyo wax ka qabashada dagaalyahannada soo goostay, ayaa wuxuu soo bilowday in ka badan toban sano ka hor, wuxuuna gacan ka geystay dhaqancelinta iyo dib u soo celinta kumanaan katirsan Shabaabka.

Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo ciidamada dowladdda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab ka saarayaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka.