4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2023
Axmed Daaci: Shabaabku saddex jihay kasoo weerareen Hilowle Gaab, waana ka saarnay hadda
 

Jimco, January, 6, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay inay Alshabaab saddex jiho kasoo weerareen tuulada Hilowle Gaab ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Axmed Daaci oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay jiraan dhimashada askar iyo saraakiil ciidan, balse wuxuu sheegay in ciidamadu iska difaaceen weerarka Alshabaab, islamarkaana ay jab xooggan u geysteen.

Wuxuu sheegay Shabaabku inay ku jiraan howdka aan ka fogayn deegaanka Hilowle Gaab. Inkastoo uu sheegay Shabaabka soo weeraray deegaanka inay ka yimaadaan meelo fogfog.

Mar la weydiiyay inay jirto xog laga hayay weerarka Alshabaab, wuxuu Axmed Daaci sheegay inay dhici kartay in la hayay xogtaas Balse wuxuu tilmaamay in ay Shabaab ay ku jiraan howd ay adag tahay in laga hortago.

Wuxuu tilmaamay inay ciidamadu dadaaleen oo iska caabiyeen weerarka lagusoo qaaday, haatan wuxuu sheegay ay ciidamadu iyagu ku sugan yihiin deegaanka islamarkaana ay sii baacsanayaan firxadka Alshabab.

Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Alshabaab kusoo qaadeen deegaanka Hilowle Gaab.

Deegaankan ayaa kamid ahaa meelihii dhawaan laga xoreeyay Alshabaab. Kaddib muddo dhowr iyo toban sano oo ay haysteen.