4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 4 , 2023
Saddex dhallinyaro ah oo katirsanaa Alshabaab oo isku dhiibay ciidanka NISA ee ku sugan gobolka Bakool
 

Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Saddex dhallinyaro ah oo katirsanaa kooxda Alshabaab ayaa iskusoo dhiibay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka ee NISA ee ku sugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

Cabdillaahi Macalin Ibraahim oo katirsan dhallinyarada isisoo dhiibtay, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in lagu qalday in waxbarasho la siinayo, kaddibna lagu tashkiiliyay inuu ku biiro Alshabaab.

Cabdillaahi sheegay intii uu Alshabaab ku jiray inuu ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu ka qeyb galay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Aato ee gobolka Bakool.

Wuxuu codsaday inay dadku cafiyaan. Wuxuu sheegay Alshabaab inay dhibaato badan u geysteen oo ay adag tahay in fudud looga soo baxsado.

Guddoomiye ku xigeenka Bakool, Cali Xsueen Xasan, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan cid kaste oo kasoo goosata Alshabaab, wuxuuna ballanqaaday in aan wax dhibaato ah loo geysandoonin ciddii si nabad ah iskusoo dhiibta.

Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha, ayaa sheegay inay dowladdu shaqo iyo wax kaste ka caawinayso cid walba oo kasoo goosata Alshabaab. Wuxuu sheegay inay haystaan fursad wanaagsan kuwa weli ku jira Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheynaysa inay billowdo wajiga labaad ee howlgalka xoraynta deegaannada Shabaabku haystaan. Wajiga labaad waxaa uu ka billaabanayaa deegaannada Koonfur Galbeed.