4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 4 , 2023
Puntland: Wax la yiraahdo Khaatuma ma jirto. Soolna cid gaar ah masiirkeeda kama tashan karto

Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa been abuur ku tilmaamay warqad kasoo baxday qaar kamid ah  odayaasha dhaqanka ee SSC, taasoo dhawaan lagu magacaabay hoggaanka Khaatumo.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo maanta Garowe kula hadlay warbaahinta ayaa fidno ku tilamamay go’aanka kasoo baxay odayaasha dhaqanka SSC. Isagoo sheegay masiirka gobolka Sool in aysan yeelan karin odayaal shiray.

Eng. Caydiid wuxuu sheegay tallaabada odayaashu qaadeen inay tahay mid lagu xagal daacinayo dib u xoraynta Sool, wuxuuna sheegay iskudayada nuucaan inay horey usoo fashilmeen.

“Xaajada ay dhowr qof go'aamiso meel ma gaarto waaya aragnimadeeda ayaan haynaa. 2009 SSC baa la sameeyey Hargeysa ayey ku danbeysay 2012na sidoo kale Hargeysa ayay ku dambeysay,” sidaas waxaa yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka wuxuu sheegay, Sool in aysan maanta u baahnayn in maamul lagu dul dhiso, iyadoo dhibaato ka socoto. Wuxuu tilmaamay Laascaanood wax aan xabbad ahayn in aysan ka furnayn.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xoraynta Sool kaddib laga tashandoono aayaha gobolka Sool.