4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 4 , 2023
Dabley hubaysan oo dad shacab ah ku laayay magaalada Gaalkacyo
 

Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa Gaalkacyo ka geystay tacshiirad ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, halka saddex kalena  ay ku dhaawacmeen.

Falkaan oo dhacay xalay ayaa lagu dilay Burhaan Jaamac Cimi iyo Farxaan Nasar, waxaana la sheegay in lagu dilay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen.

Ma jirto cid ka hadashay falkaan oo saakay laga hadal hayo magaalada Gaalkacyo.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in falkaan uu daba socdo aano qabiil oo u dhaxeysa labo beelood.

Magaalada Gaalkacyo oo ka nasatay falalka ay geysan jireen kooxda Alshabaab hadda waxaa kusoo batay falalka aanooyinka qabiil.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay dhowr qof ayaa loo dilay aargoosi qabiiil, kuwaas oo maamulka gobolka Mudug uu xalkooda ku mashquulsan yahay.