4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 3 , 2023
Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay xaalada Laascaanood
 

Talaado, January, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xal ka gaadho qalalaasaha Laascaanood, waxaana uu digniin u diray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo kasoo baxay shir lagaga tashanayay xaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Somaliland ku filantahay xalinta mushkilada Laascaanood, isagoo markale tacsi u diray dadkii ku wax yeeloobay qalalaasaha.

"Waxaanu ka shirnay dhibaatada Laascaanood ka taagan sidii loo xalin lahaa, waxaanu isla garanay in Somaliland ay ku filantahay howlaheeda, oo ay xalin karto arrintaa ... waxaanu tacsi u diraynaa dhamaan dadkii ku dhintay Laascaanood, oo si kadis ah oo lama filaana arrintaasi Laascaanood uga dhacday" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in kadib marka nabada la sugo, laga howlgali doono, dhibaatada dhacday iyo xalinteeda, talaabada ugu horaysa ee ay xukuumadiisu qaadaysaana ay tahay in nabada magaalada si buuxda loo sugo, isla markaana waxgaradka reer Laascaanood lagala shaqayn doono xal u helista dhibta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in badanka dadkii Laascaanood lagu dilay 15 kii sanno ee lasoo dhaafay ay ahaayeen saraakiil ka tirsan xukuumada, iyo dad jecel Somaliland, isaga oo sheegay in la qabtay badanka dadkii dilalkaa gaystay.

"Laascaanood dadka lagu dilay 2009 ilaa maanta waa 40 qof, waxa la qabtay 32 qof, 8-na waa fakad, waxaa la xukumay 23, 7 kiis kooda ayaa socda, 2-na maxkamaduhu way siidaayeen, dadk la dilay 24 ayaa ah masuuliyiin qaran ... 16-na waa shacab lagu dilay waxay taageersanyihiin dowlada Somaliland" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu dhinaca kale u digay siyaasiyiinta qaar kood oo ku baaqay in ay Somaliland Sool ka baxdo, isaga oo sigaara ula hadlayay Puntalnd ayuu yidhi "Maanta anagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaananu leenahay dagaal lagama faa'iidee ka joog".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka danbayso dagaalka uu madaxweyne Dani sheegay in uu Somaliland kusoo qaadayo, waxaana uu sheegay in Somaliland dhulkeeda difaacayso, hadii 5-ta maamul goboleed ee Soomaaliya soo weeraraan.

Madaxweynuhu ugu danbayn waxa uu sheegay in mushkilada Laascaanood Somaliland oo dhani xalin doonto "Mushkilada Laascaanood Somaliland oo dhan ayaa iskugu tagaysa, anaga oo walaalahayo waxa gaadhay ka xun, waana nu xalin karnaa".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]