4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 27, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay caqabad weyn oo dowladda ka heysto qabiilka

Jimco, January, 27, 2023 (HOL) -  Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay caqabado waa weyn oo ay dowladda Soomaaliya kala kulanto arrimaha la xariira qabyaalada.

Raysal wasaare Xamse ayaa Culimada Soomaaliyeed ka dalbaday iney dowladda Fedaraalka kala shaqeeyaan kor u qaadista wacyiga dowladeed ee bulshada, isagoona xusay in qabiilka uu caqabad ku yahay qiimaha dowladnimada dalka.

Wuxuu tilmaamay in heerka qabyaalada ay marayso in qabiil ahaan lagu difaaco dadka ay tahay in umadda laga qabto sida tuugada iyo kooxda Al-shabaab.

“Qabiilku waa muhiim laakiin dhibaato ayuu ku hayaa dalkeena oo tuuga lama cayrin karo saf ayaa lasoo galaya odeygii, sheekhii, xildhibaankii iyo wasiirkii wey difaacayaan tuugada lasoo qabto oo xataa hadduu Shabaab yahay, Waa in dowladnimada iyo dalka la jeclaysiiyo dadka oo tarbiyada ay gasho oo masaajidka ay gasho waaye. Waxaa u baahanahay in arrimahaan culimadeena ay dib u eegto” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in muhiimada ay tahay in qabiilka meeshiisa looga soo tago oo wax walba laga hormariyo danta iyo horumarka dalka.