4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 26, 2023
Hawada Soomaaliya oo loo aqoonsaday heerka Class A
 

Khamiis, January, 26, 2023 (HOL) - Hawada Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday heerka Class A oo lagu qiimeeyo darajada ugu sareyso ee badqabka iyo Maamulka Amniga ee hawada Soomaaliya, sida uu shaaciyay Ururka Caalamiga ee Gaadiidka Hawada IATA.

Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa soo dhaweeyay in hawada Soomaaliya iyo nawaaxigeeda dib loogu soo celiyo heerka A.

Waxay Soomaaliya 26ka Janaayo 2023 kaddib ku guulaysandoontaa soo celinta adeegyadii hagista hawada muddo 30 sano ah kadib.

Qaar ka mid ah marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka oo isku xidha qaaradda Afrika iyo bariga dhexe, Hindiya iyo sidoo kale Yurubta galbeed oo leh,  ayaa mara hawada Soomaaliya.

“Dib-u-soo celinta hawada Class A’ waxay si weyn u wanaajin doontaa amniga gobolka waxayna sare u qaadi doontaa hufnaanta. Tani waxa ay mahad naq u tahay dadaalka wada shaqayneed ee ay sameeyeen Soomaaliya, CAA, IATA, International Civil Aviation Organisation, FIRs iyo shirkadaha dayuuradaha” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka IATA ee Bariga Dhexe iyo Afrika, Kamil Al-Awadhi. .

Dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya ayaa lagu suura-geliyay rakibidda iyo hawlgelinta raadiyaha casriga ah ee hagidda iyo kaabayaasha kale ee tignoolajiyada. Waxay daba socotaa tijaabo lagu guulaystay oo billowday bishii May ee la soo dhaafay.

Soomaaliya oo sanadkii 2017 la soo wareegtay Maamulka Hawada ayaa heerka ugu hooseeya ka joogtay darajada qiimeynta oo ah (Class G ).