4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Puntland oo digniin xooggan kasoo saartay saamaynta ka dhalan karta abaaraha
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Puntland u qaabilsan macluumaadka biyaha iyo dhulka, ayaa lagu sheegay in roobab yar oo bilihii November iyo December da'ay ay ugasii dareen xaaladda daaq la’aanta horey u jirtay.

Warbixintu waxay sheegaysaa in daaqii yaraa ee ku harsanaa deegaaanada qaarkood ay cagta mariyeen reer guuraa usoo hayaamay deegaanadii roobabku ka da’een

Dooxooyinkii caanka ku ahaa daaqinka sida Nugaal iyo Dharoor oo ay xooluhu ku baxsan jireen xilliyada jiilaalka ah, ayaa haatan lagasoo sheegayaa xaalad daaq la’aaneed oo aad u darran, sababtoo ah ma helin roobab ku filan.

Sidoo kale, wuxuu maamulka Puntland ka digay biyo la'aan xooggan oo ka jirta deegaanada qaarkood, kadib markii barkadihii ay gureen.

Puntland waxay ugu baaqday hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba in ay diyaar garow horudhac ah sameeyaan kuna daraan qorshahooda, si loo yareeyo cawaaqib xumada suurtagalka ah ee xilliga jiilalalka soo socda.

Puntland waxay bulshada xoola dhaqatada kula talisay in ay u diyaar garoobaan xilliga jiilaalka islamarkaana ay kaydsadaan calafka, iyo sidoo kale inay si wax ku ool ah u maareeyaan ilaha biyaha si looga fogaado walaaca biyo la'aanta.