4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2023
Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho

Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shir weynahaan ayaa waxaa ka qeybgalaya inta badan Culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka iyo dibadiisa, kaasoo looga arinsan doono doorka Culimada ka qaadan karaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana si qoto dheer doono looga hadli doona sixida Fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka.

Waxaa la tilmaanay in Culimada ilaa sadax qodob ay si aad ah uga doodi doonaan oo kala ah, Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, Sharciyad siinta dowladda  Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

“Shirka culimada wuxuu noqon doonaa mid isku keena madaahiibta kala duwan, waxaana rajeynaya inuu noqdo mid uu kasoo baxo wax wanaagsan, Diinta waa nasteexo Culimada ayaga ayaa isku nasteexeyn doona, dowladana u nastexeyn doono" ayuu yiri Sheekh Usuuli oo ka mid ah Culimada caanka ah ee ka qeyb galeysa shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan Maanta Muqdisho uga furmay Culimada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xili muhiim ah oo dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ay wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo ay dowladu sheegtay inay sii wadeyso.