4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo
 

Isniin, January, 23, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Sijngaleyr oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Siingaleyr oo ka mid ah deegaanada laga ilaaliyo amaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo ay dadka deegaanka sheegeen inuu ahaa mid aad u xoogan oo socday ku dhawaad hal saac, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar hordhac ah oo laga helay dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaawac kasoo gaaray taliyahii ciidanka Jubbaland ee deegaanka Siingaleyr iyo laba askari oo kale.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ku qaada fariisimaha ciidamada Jubbaland iyo kuwa ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.