11/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2023
Alshabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud
 

Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay aroortii ay halkaasi weerareen dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.

War ay Alshabaab kusoo qoreen bartooda internetka waxay ku sheegeen inay la wareegeen Galcad, kadib markii weerar qaraxyo ku bilowday kusoo qaadeen saldhigii ciidamada dowladda ee halkaas.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan inuu weerarkaan ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure), ayaa kamid ah saraakiisha lafta dhabarta u ah howlgalka deegaano badan looga xoreeyay kooxda Alshabaab.

Alshabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay weeraro ku qaadayay dhulka laga qabsaday. Horey waxay u weerareen deegaannada kala ah, Hilowle Gaab iyo Xawaadley oo katirsan Shabeelada dhexe.












Click here
1/20/2023 6:42 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda iyo qurbo-Joogta ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad Bin Mubarak oo Muqdisho ku sugan ayaa isaga iyo dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac waxay si wadajir ah u dhagax-dhigeen asaaska dhismaha cusub ee Safaarada Yemen ee magaalada Muqdisho.

1/20/2023 6:04 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ee Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Jubba, si looga hortago fatahaadaha dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deegaanka.

1/20/2023 5:21 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 100 ka tirsan kooxda Alshabaab in saaka lagu dilay markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga oo ku yaalla Magaalada Galcad.

1/20/2023 3:23 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka tacsiyeeyay geerida gaashaanle Xasan Cismaan Tuure, taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo saraakiishii kale iyo ciidankii saakay ku geeriyooday weerarkii degaanka Galcad.

1/20/2023 2:05 AM EST
Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Sid ay sheegayso warbaahinta dowladda Soomaaliya, kooxda Alshabaab lagu jebiyay weerar ay ku soo qaaddeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.