4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddiga farsamada shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loogu talo galay inay isku dubaridaan farsamo ahaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed oo la qabanayo shanta bishan January.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, ayaa rajo weyn ka qaba in shirka dib u heshiisiinta uu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee u ololaynaya doorashada Koonfur Galbeed ayaa horey u saluugsanaa shirkaan, iyagoo ku eedeeynayay guddoomiye Aadan Madoobe inuu u janjeero dhinaca Lafta Gareen.

Balse, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo labo habeen ka hor kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed, waxay ku heshiisiyeen in laga wada qeyb galo shirka dib u heshiisiinta.