4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo la sheegay iney kaso talaabeen wabiga Shabeelle ay weerar ku qaadeen fariisin deegaanka ay ku lahayeen ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo daryankiisa laga maqlaayo meelo ka fog deegaanka Beerxaano oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee  ka dhashay dagaalka oo ah mid wali ka socda deegaanka Beerxaano, hayeeshee waxaa lasoo warinaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray.

Al-shabaab ayaa inta badan kasoo talaabta wabiga Shabeelle marka ay weerarayaan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan oo horay looga saaray.