4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay labo katirsan Alshabaab
 

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Axmed Sahal Cali Maxamuud iyo Qudaama Xamsa Yuusuf oo ahaa labo xubnood oo katirsanaa Alshabaab ayaa maanta lagu xukumay dil toogasho.

Labadan xubnood oo katirsanaa amniyaadka kooxda Alshabaab, ayaa dabayaaqadii bishii Octobar ee sanadkii 2022 gacanta lagu dhigay, kaddib markii ay degmada Kaaraan ku dileen askari katirsanaa Booliiska.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta la horkeenay, ayaa sidoo kale ku heshay dambiyo kale oo la xiriiray ka qeyb qaadashada dilal ka dhacay Muqdisho oo loo geystay askar katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Axmed Sahal iyo Qudaama Xamse ayaa Alshabaab ku kala biiray sanadihii 2017 iyo 2020. Waxaa la sheegay inay kasoo qeyb qaateen dagaalo ka dhashay meel katirsan gudaha dalka iyo dalka Kenya.

Maxkamadda ciidamada ayaa ku riday xukun qisaas ah oo ah dilkii ay u geysteen Shuuke Caddaawe Maxamed oo askariga ay ku dileen Kaaraan.