4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Al-shabaab oo sadax baabuur oo qaraxyo ah ku weerartay deegaanka Xawaadleey
 

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab Saldhiga deegaankaasi ku weerareen ilaa sadax qarax oo Ismiidaamin ah.

Qaraxyada sadaxda ah ayay kooxda u adeegsatay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana qaraxyadaasi xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ururka Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa Saldhiga kooxdu weerartay.

Wararka hordhaca ah ee la xaqiijiyay ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay Taliyahii guutada 3-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Kornel Abshir Maxamuud Maxamed oo loo yaqiinay Shaqateey iyo askar kale oo aanan la xaqiijin tiradooda rasmiga ah.

Xaalada deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo qiyaas ahaan degmada Balcad u jirta 20 KM ayaa haatan ah wali mid kacsan, waxaana kooxda Shabaab ay sheegtay iney la wareegtay gacan ku heynta Saldhiga deegaanka Xawaadleey oo ay ka qaateen hub iyo gaadiid dagaal.

Shalay subax ayey aheyd markii weerar noocaan oo kale ah ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada Taliye ku xigeenkii CID-da gobolka Hiiraan Jamaal Axmed Jaamac iyo dhaawac 2 qof oo kale.