4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Isniin, January, 16, 2023 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Shirka oo maanta loo ballansanaa inuu billowdo ayaa dib u dhacay safarka madaxweynaha awgiis, waxaana loo ballansan yahay inuu furmo berito.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe ayaa horey ugu sugnaa magaalada Baydhabo, kaasoo dhex dhexaadiye u ah dhinacyada isku haya siyaasada maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa shirkaan lagu casuumay, iyadoo lagu wado in xal  laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kororsiga madaxweyne Lafta gareen.

Shirkan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda federalka Soomaaliya ay isku diyaarinayso inay Koonfur Galbeed ka bilowdo howlgalada dib xoraynta deegaanada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay xilligan inaan dalku xamili karin khilaaf iyo isqabqabsi xilli dalku ku jiro dib u xorayn.