4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2023
Somaliland oo ka dacwootay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
 

Isniin, January, 16, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, uu Somaliland uga hadlo sidii gobol kamid ah Soomaaliya.

Qoraal lagu baahiyay boga Twitterka ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in safiirku isaga oo ogsoon in Berbera anay xukumin dowlada Soomaaliya uu hadana xidhiidh ka dhaxaysiiyay Berbera iyo Soomaaliya.

"Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah safiirka Maraykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in uu Somaliland ugu yeedho magaceeda saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uu Berbera la xidhiidhiyo Soomaaliya in kasta oo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya".

Hadalkan ayaa daba socda qoraal shalay kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Maraykanka iyo xulufo kale ay Berbera ku samayn doonaan dhoolatus millateri, qoraalkaas oo aan meela lagaga xusin magaca Somaliland.

Maraykanka iyo Somaliland ayaa la filayaa in ay dhawaan yeeshaan iskaashi millateri iyo mid siyaasadeed, kadib markii uu madaxweyne Biden saxeexay xeer ogolaanaya in labada dhinac wada shaqeeyaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]