4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 1 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo jeediyay khudbad ku saabsan xaalada guud ee dalka
 

Axad, January, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galabta khudbad ku aadan sanadka cusub u jeediyay shacabka Soomaliyeed  wuxuuna khudbadiisa Galabta kaga hadlay xaalada guud ee dalka, isagoona faahfaahiyay howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka iyo hiigsiga dowladdiisa ee sanadka cusub 2023-ka.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Soomaaliya in howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee dib u xureynta dalka uu noqon doono sanadkan 2023-ka, mid guud ahaan dalka xuroobayo dowladdana ay u jihaysan doonto adeeg iyo waxqabad.

“Wax kasta oo horumar iyo wanaag ah oo umaddi gaarto waxay ka dambeeyaan marka qofka amni haysto oo gurigiisa inta uu nabad ku seexdo uga soo toosi karo, waana sidaas sida aan muhiimada koowaad u siinay arrimaha amniga ee dowladeenu xooga saartay, dadka Soomaaliyeed waxay maanta u istaageen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasina meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ayaa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa inuu noqdo sanadkii Soomaaliya ay u bixi laeyd barwaaqo iyo bash bash” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii ay ugala wareegi laheyd amniga guud ee dalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, isagoona shaaciyay xiliga ay qorsheynayaan in ATMIS kala wareegaan amniga guud ee dalka.

“Arrimaha amniga marka la yiraahdo waxaa hiigsaneyna in dowladdeena iyo dadkeeda oo iswata ay xilka amniga dalka iyo dadka si buuxda ula wareegaan bisha December 2024-ka, walaalaheena AMISOM iyo caalamka na kaalmeynayay u mahadcelino oo tusino in aan gaarnay heer aan ku hanan karno amnigeena" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday madaxweynaha Soomaaliya in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo markii afaraad Goluhu yeesheen, islamarkaana dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada dalka ay siyaasad ahaan ka heshiiyeen arrimaha amniga taabanaya iyo qaab dhismeedka amniga Qaranka.

“Waxaa dhawaan ka heshiinay ayadana oo meel soo gaarsinay arrimaha aan isleenahay amniga ayay taabanayaan oo gadaal idinka soo sheegi doono. Dadka Soomaaliyeed yeysan nagu qiimeyn maanta meesha aan joogno, ha la isku qiimeeyo meesha aan u socono" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa sidoo kale ku xusay in dalka Soomaaliya uu ka qeyb falayo ururo ganacsi, maadama dadka Soomaaliyeed u badan yihiin ganacaato, islamarkaana dowladda ay ka wado sidii ay ugu biiri laheyd Suuqa Bariga Afrika oo uu tilmaamay iney degan yihii in ka badan 400 oo Milyan oo ganacsato ah.