4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 1 , 2023
Isgaarsiinta magaalada Laascaanood oo hawada ka maqan xilli halkaasi uu weli ka socdo mudaharaad

Axad, January, 1, 2023 (HOL) - Isgaarsiinta internetka ayaa maanta hawada laga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu weli ka socdo mudaharaad xooggan oo loogasoo horjeedo joogitaanka Somaliland.

Inkastoo subaxnimadii hore ee maanta uu qadka interenetka joogay, haddana goor dambe oo barqadii ah ayaa hawada laga saaray. Warar madax bannaan oo aan helayno waxay sheegayaan in shirkadaha isgaarsiinta lagu cadaadiyay inay jaraan isgaarsiinta internetka.

Lama garanayo ujeeddada ka dambeysa arrintan, hase ahaatee dadka taageersan mudahaaradyada ayaa ku dhaleeceeyay Somaliland inay isgaasiinta u jartay, si loo xakameeyo xogta mudaharaadka oo si toos ah warbaahinta baraha bulshada loogala socday.

Sawirro lasoo galiyay baraha bulshada, ayaa lagu arkayay ciidamo katirsan kuwa Somaliland oo gudaha u galayay mid kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee kuyaalla magaalada Laascaanood.


Waxaa la aaminsan yahay inay baraha bulshadu qeyb weyn ka qaadanayeen mudaharaadka magaalada Laascaanood, kaasoo ah mudaharaadkii ugu waqtiga dheeraa ee halkaas ka dhaca abid inta la ogyahay.

Dadka mudaharaadaya oo u badan rag iyo haween dhallinyaro ah, ayaa si toos ah baraha bulshada usoo dhigaya dadka waxyeeladu kasoo gaartay. Mararka qaarkood waxay soo gudbinayeen ciidamo Somaliland katirsan oo hub nool nool u isticmaalaya shacabka.

Dadaalo ay Somaliland ku doonaysay in xaaladda lagu qaboojiyo weli laguma guulaysan.