4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 1 , 2023
Xisbiga WADDANI: Somaliland Laascaanood kama baxayso
 

Axad, January, 1, 2023 (HOL) - Xisbiga WADDANI, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay ku fashilantay amniga Laascaanood, dhinaca kale waxa uu xisbigu sheegay in Ciidanka Somaliland anay Laascaanood ka bixi doonin.

Xogeeyaha cadaalada ee xisbiga Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool ku fashilmay sugida amniga shacabka Laascaanood, waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan anay xukuumada kula socon.

"Qorshe xumo xukuumada ah ayaa Laascaanood taala, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu dhinaca kale, sheegay in xisbigu xukuumada ku taageersanyahay, difaaca ciida Somaliland, waxaana uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin dad reer Somaliland ah oo xukuumadooda ka doonaya in ay uga jawaabto cida dilalka gaysanaysa.

"Laakiin waxaanu kula soconaa oonu ciidamada ku taageersanahay, oonu dowlada ku taageersanahay difaaca Somaliland, lakiin Somaliland cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laascaanood waa Somaliland, Somaliland ayay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na dilay" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu sheegay in Somaliland anay Laascaanood ka bixi doonin, cida isle Somaliland way baxaysaana ay khaldantahay, dhinaca kale, madaxweynaha ayuu uga digay in uu ciidamada Laascaanood ka saaro.

"Somaliland kama baxayso Laascaanood ka ku leh Somaliland ayaa kasoo baxaysa Laascaanood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweynuhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qarankii ayuu kala jaray" ayuu yidhi Yoonis.

Xaalada Laascaanood ayaa maanta dagan, ciidamo millateri ah ayaa wadooyinka taagan, khadka internetka magaalada ayaana hawada laga saaray.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]