4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 1 , 2023
Gen. Odowaa: Shabaabka waxaan siinay fursad ay iskusoo dhiibaan inta aanan keymaha ugu galin
 

Axad, January, 1, 2023 (HOL) - Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in aysan Alshabaab uga daba haridoonin meel kasta oo ay ku dhuuntaan.

Taliyaha ciidanka militariga oo la hadlayay boqolaal katirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa sheegay, Shabaabka inay u furan tahay inay isisoo dhiibaan, haddii ay doonayaan inay helaan badbaado.

Gen. Odowaa ayaa tilmaamay inay ogyihiin in dhaawacyada iyo maydadka Alshabab ay daadsan yihiin keymaha ay ku dhuumayeen, isagooo sheegay inay ugu tagayaan oo ay ku laynayaan inta ka hartay haddii aysan ka faaidaysan cafiska dowladdu siinayso.

“Waxaan ognahay inaad keymaha ku dhiig baxaysaan, waxaan ognahay in maydadkiinu geedaha dulsaaran yihiin, waxaa idiin furan labo arrin oo kala ah, imaa inaad isisoo dhiibaan oo aad martaan hannaanka cafiska dowladda, waa imaa inaan bartiina idin kugu imaano oo idin ku dilno,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Gen. Odowaa waxaa kale oo uu sheegay, dagaalka ay kula jiraan Alshabaab in aan laga noqon karin dhexdhexaad.

Wuxuu caddeeyay ciddii aan lasoo safan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka inay dhinaca kale lasoo saftaan, iskuna diyaariyaan inaan la cafindoonin.

Odowaa wuxuu sheegay Shabaabku inay diinta u geysteen gef aad u weyn, islamarkaana deegaannada la xoreeyay aysan ka muuqan wax ay ka qabteen diinta, taas beddelkeedna ay la dagaalameen dugsiyadii qur’aanka lagu baran jiray.