4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2023
Maxkamada Ciidamada oo Maanta dil Toogasho ah ku fulisay laba askari oo 5 kun Shilin Somali ah darteed u dilay laba qof oo shacab ahaa
 

Sabti, February, 18, 2023 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaale Cabdi iyo Xasan Juule Shaakir oo hal maalin si bareer ah ugu kala dilay degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad 5 kun oo Shilin Somali ah darteed Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani oo ahaa Ganacsade ku nool Xamarweyne iyo Cali Taliye Cariif oo ahaa Darawal Mooto bajaaj.

Qaasim Ducaale Cabdi ayaa aha askari ka tirsan Minishiibiyada, kaasoo bareer ah 5-ta kun oo Shilin Soomaali darteed ugu dilay goobtiisa ganacsi dhecdeeda Abuukar Maxamed sheekh Nuuraani ayaa kiiskiisa waxa uu soo maray heerar kala duwan, waxaana Maxkamada la horgeeyay cadeymo iyo Marqaatiyaal muujinaya si uu u dhacay dilka uu geystay.

Xasan Juule Shaakir ayaa barkoontarool oo ku taala degmada Balcad waxa uu si ula kac ah ugu dilay lacag dhan 5 kun oo shilin Soomaali ah Cali Taliye Cariif oo ahaa Darawal Mooto Bajaaj.

Dilka toogashada ah ee labadaan askari Maanta lagu fuliyay ayaa imaanaya, iyadoo wali ay xiran yihiin askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda oo dilal bareer ah u geystay dad shacab ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan Maxkamada ciidamada ay toogasho ku fulisay afar askari oo horay u dilay askar kale oo saaxibadooda ahaa.