4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Ganacsade caan ahaa oo Caawa lagu dilay magaalada Baledweyne
 

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay Allah u naxariiste Cabdullaahi Xasan Cawaale oo loo yaqiinay Toor toor, kaasoo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee magaalada Baledweyne.

Dilka marxuumka ayaa dhacay isagoo fadhiyay goob maqaaxi ah oo ku taala xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad ee magaalada Baledweyne.

Dilka marxuumka kadib dadweynahii ku sugnaa goobta ayaa isku dayeen iney qabtaan raga geystay dilka, hayeeshee kooxda dilka geysatay ayaa isaga caabiyay dadka doonayay iney qabtaan ilaa sadax bambo oo nooca gacanta laga tuuro ah, taasoo u sahashay iney baxsadaan dableyda dilka fulisay

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Baledweyne ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay hayeeshee majirto wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.