4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Dowlada Maraykanka oo ku baaqday in colaada Laascaanood miiska wadahadalka lagu xaliyo
 

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) -  Dowlada Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka Laascaanood oo miiska wadahadalka Layskugu yimaad, iyadoo sheegtay in colaada anay cidna dani ugu jirin.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry E. André, Jr, oo waraysi siiyay warbaahinta Muqdisho, ayaa mar wax laga waydiiyay sida uu u arko wararka sheegaya in ciidamada Somaliland ay tacadiyo ka gaysteen Laascaanood sheegay in anay wali haynin warar lagu kalsoonaan karo.

"Waxan markale leeyahay helida warbixino lagu kalsoonaan karo way adagtahay, si xoogle ayaanu diirada u saarnay maalmahan wakhtigayga ugu badan ayaan ku bixiyay aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh" ayuu yidhi Andre.

Safiirku waxa uu ku baaqay in colaada lasoo afjaro oo arrimaha wadahadal lagu dhameeyo, isaga oo sheegay in anay cidna dani ugu jirin sii socoshada colaada.

"Waa in lasoo afjara colaada cidna dani uguma jirto, arrintan waa in wadahadal lagu xaliyaa, waxan wadahadalo toos ah la yeeshay, hogaamiyayaasha dhinacyada oo dhan, xubnaha beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna diray fariintan oo kale oo in rabshada la joojiyo" ayuu yidhi Andre.

Waxa uu sheeegay in cida weerarka ku horaysay iyo cida shacabka beegsanaysayba la eegi doono wakhti ku haboon, lakiin hada arrinta muhiim ka ahi ay tahay in colaada la joojiyo, arrimahana lagu dhameeyo wadahadal.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]