4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka jawaabay xabad joojinta madaxweyne Biixi sheegay in isimadu aqbaleen
 

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa beeniyay in uu wax wadahadal ah la furay isimada dhaqanka Somaliland, iyo in ay aqbaleen xabad joojinta xukuumada.

Garaadku hadalkii madaxweyne Biixi uu ku sheegay in shir lagu nabadaynayo Laascaanood uu ka furmayo Yagoori ayuu ku tilmaamay wax aan waxba ka jirin.

"Wax qof miyir qaba uu ku hadlo kumuu hadal Muuse Biixi, arrintana wuu iska indho tiraya, ma kibir ayay ka tahay oo isla waynidiisa ayaa halkaa gaadhsiisay mise xog la'aan ayay ka tahay, waxa uu ku hadlay oo dhan waxba kama jiraan" ayuu yidhi Garaad Cali.

Waxa uu sheegay in anay jirin xabad joojin ay isimada iyo xukuumadu isla qaateen, waxaanu sheegay in shalay oo u danbaysay ay xukuumadu kaarayaal iyo hub badan keentay Laascaanood, isla markaana anay jirin cid arrimo nabadeed kala soo xidhiidhay.

Waxa uu sheegay in shacabka ciidanka dagaalka kula jiray ay xakamayn karaan, hadii ciidanka magaalada laga fogeeyo, isla markaana ay beesha caalamka iyo dowladaha dariska sida isku ogyihiin in ciidanka la fogeeyo, isaga oo sheegay in kadib ay xabad joojinta ogolaan doonaan.

Waxa uu sheegay in xalka nabada ee ugu fiicani uu iman karo hadii ciidamada Somaliland ka guuraan gobolka, waxaanu xukuumada ku eedeeyay in ay inta ay iyadu wax disho ay hadana leedahay nabad ayaanu rabnaa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]