4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Maanta ka dhacay deegaanka Baarsanguuni

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Saldhig ciidan oo ku yaala deegaankaasi ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo socday ku dhawaad hal saac oo xiriir, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee lama oga khasaraaha rasmiga ah inta uu dhan yahay.
 
Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo la hadashay warbaahinta gudaha waxay sheegeen iney iska caabiyeen weerarka Al-shabaab, islamarkaana ay gaarsiiyeen khasaare xoog leh oo ay dagaalka uga gubeen kooxdii soo weerartay gaadiid dagaal.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegatay weerarkaan ay Maanta ku qaaday Saldhiga deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbalada Hoose, iyagoo sheegay iney weerarkaasi ku dileen askar badan walow aysan sheegin tiro sax ah oo ay dileen.

Dagaalka Maanta ka dhacay Baarsanguuni ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay dagaalo khasaare badan geystay oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in Al-shabaab looga dilay 200 oo dagaalame ay ka dhaceen deegaanada Iji iyo Afcad oo ka tirsan gobolka Hiiraan.