4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2023
Soomaaliya oo laga cafiyay deymaha afar waddan oo midowga Yurub katirsan
 

Arbaco, February, 15, 2023 (HOL) - Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) ayaa caddeeyey in Soomaaliya laga cafiyay deymaha dibadda ee ay ku lahaayeen afar waddan oo Midowga Yurub ah.

Donal Brown, kaaliyaha madaxweyne ku xigeenka hay'adda ayaa Talaadadii ku dhawaaqay go'aanka iyada oo Soomaaliya ay la halgamayso sidii dalku uu uga gudbi lahaa saameynta abaarta daran ee saameysay wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweynaha IFAD Alvaro Lario ayaa sheegay in go’aanka deyn cafinta uu u ogolaanayo IFAD inay dib u maalgeliso hagaajinta xaaladaha nololeed ee miyiga iyo kobcinta “adkeysi iyo mustaqbal barwaaqo ah” dadka dalka.

Hogaamiyaha iFAD waxa uu intaa ku daray in deyn cafinta ay ka dhigan tahay fursad lagu gaari karo haqab-beelka cuntada ee Soomaaliya, iyada oo si aad ah loo maalgashanayo meelaha mudnaanta leh,” ayuu raaciyay.