4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2023
Doorashada kursigii uu baneeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta ka dhacday magaalada Kismaayo
 

Arbaco, February, 15, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose doorashada kursi ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka, kasoo uu baneeyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kursigaan oo tirsigiisu yahay HOP 203 ayaa doorashadiisa waxaa isku diiwaan galiyay oo Maanta ku tartamay Musharaxiinta kala aha Xasan Hurre Ugaas iyo Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Dooraashada kursiga HOP 203 ayaa waxaa kusoo baxay Xasan Hurre Ugaas oo si gacan taag ah loogu codeeyay, kadib marku tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashada kuraasta ka banaan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waxay sheegeen in dhawaan lasoo buuxin doono kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaan Maanta doorashadiisa ka dhacday Kismaayo ayaa noqonaya kursigii labaad oo doorashadiisa dib loo qabto, iyadoo 1-dii bishaan Febraayo guddiga ku meel gaarka ah ee Baarlamaanka u qaabilsan qabashada doorashada kuraasta ka banaan Golaha shacabka ay magaalada Dhuusamareeb ku qabteen kursiga sumadiisu tahay HOP 147 oo uu baneeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, waxaana kusoo baxay kursigaas Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.