4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2023
Shirkadda Fly Dubai oo ku dhawaaqday inay duulimaadyo maalinle ah ku tagayso Soomaaliya
 

Arbaco, February, 15, 2023 (HOL) - Shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa maanta ku dhawaaqday in ay bilowday duulimaad maalinle ah oo ay ku tagi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 9-ka March sanadka 2023-ka.

Shirkaddu waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xirto Dubai iyo Imaaraadka Carabta.

Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee flydubai, ayaa yiri: "Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay.

Masuulkan wuxuu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kicin doonaan dhaqaalaha islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga.

Shirkadda Fly Dubai waxay sidoo kale sheegtay inay ballaarisay shabakadeeda Afrika ilaa 11 goobood, taasoo siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaarro ku habboon safarkooda.

Shirkadda meelaha ay isku ballaarisay waxaa ka mid ah Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.