4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Qeycad

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Qeycad oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen fariisin halkaasi ku lahayeen kooxda Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sugneyd magaalada Bacaadweyn.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Qeycad oo qiyaas ahaan u jirta magaalada Bacaadweyn ilaa 4 KM, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu dagaalka ahaa mid socday dhowr saacadood, islamarkaana hubka la isku adeegsanaayay jugtiisa laga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa ciidamada huwanta ah ee dagaalada ka wada deegaanada Galmudug ayaa sheegay in ciidamada ku dhaw yihiin inay gudaha u galaan Bacaadweyn oo ay haatan isaga baxeen kooxda Al-shabaab.

Magaalada Bacaadweyn ayay kooxda Al-shabaab waxay gacanta ku dhigtay bishii Agoosto ee sanadkii 2021-kii kadib markii halkaasi ay isaga soo baxeen ciidamada dawladda.