4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2023
Qaramada Midoobay oo ka digtay Macaluul Soomaaliya ka dillaaci karta bisha Abril
 

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) - QM ayaa raadineysa 2.6 bilyan oo dollar si loogu caawiyo 8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya iyadoo sheegtay dalku inuu mar kale qarka u saaran yahay macaluul laga bilaabo Abriil ilaa Juunyo ee sannadkan.

Adam Abdelmoula oo ah isku duwaha xafiiska gargaarka bini'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay abaarta hadda ka jirta Soomaaliya mid aan horay loo arag.

" Macaluul waa suurtogalnimo xooggan laga bilaabo Abriil ilaa Juunyo ee sannadkan, iyo dabcan wixii ka dambeeya, haddii gargaarka bani'aadamnimo aan la joogteyn iyo haddii roobabka bilaha Abriil ilaa Juunyo ay hoos u dhacaan sida hadda la saadaaliyay." Ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Wuxuu sheegay in ka badan 700,000 oo qof la filayo inay la kulmaan gaajo daran.

Qorshaha Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay daaha ka rogeen todobaadkii hore QM, saaxiibadeeda bani’aadamnimada iyo dawladda Soomaaliya, ayaa waxaa ka mid ah baaqa $2.6 bilyan oo deeq ah oo lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof oo si aad ah ugu baahan gargaar ay ku noolaadaan.

Abdelmoula wuxuu sheegay in 3.8 milyan oo qof oo dalka ku nool ay ku barakaceen gudaha dalka. Barokaca heerkan sare leh, ayuu sheegay in ay uga sii darayso helista adeegyada aasaasiga ah ee hore u koobnaa.