4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 13, 2023
Somaliland oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku eedaysay in uu hurinayo colaada Laascaanood

Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku eedaysay in uu ka danbeeyo qorshaha amni darada Laascaanood.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in qaar kamid ah ciidamadii uu Farmaajo u diray tababarada ay ka dagaalamayaan Laascaanood.

"Qorshaha Somaliland lagu khal khal galinayo sannado badan ayuu soo socday, isagoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo uu ciidamo tababar ugu diray Eriteriya iyo Turkiga, si ay Somaliland ula dagaalamaan, hubkii Soomaaliya loogu deeqay ayaa Somaliland lagula dagaalamayaa" ayuu yidhi Caateeye.

Xukuumada Somaliland ayaa marar kala duwan sheegtay in kooxo argagixiso ah, iyo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay dagaalka Laascaanood lug ku leeyihiin, taasi oo Puntland iyo Al Shabaab beeniyeen.

Dagaalka Laascaanood ayaa soconaya maalintii 8aad oo xidhiidha, walina ma muuqato wax waan waan ah, oo lagu joojinayo dagaalka, xukuumada Somaliland ayaa ku baaqday xabad joojin, lakiin dhinac yada ayuu midba mid ka kale ku eedaynaya in aanu dacad ka ahayn xabad joojinta.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]