Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa waxay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay arrimaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.
newsinsideWasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Yuusuf Cali oo qoraal kusoo qoray bartiisa twitterka, ayaa sheegay in aysan Somaliland ka codsan Jabuuti dhexdhexaadinta xaaladda Laascaanood.
Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu sheegay in Jabuuti ay ku sii adkaysan doonto siyaasaddeeda derisnimo iyo doorkeeda ku aadan dhexdhexaadnimada.
Dhowaan ayay ahayd markii mucaaradka dalka Jabuuti ay ku eedeeyeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu Somaliland u ballanqaaday taageero militari oo ka caawinaysa dagaalka ka socda Laascaanood.

Mucaaradku waxay sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi uu Jabuuti u diray saraakiil ciidan oo dalkaas gaarsiiya codsiga Somaliland ee ku aadan inay Jabuuti caawiso xaaladda kasoo cusboonaatay Sool.