4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka madaxeedka ATMIS ee Kampala

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta galin dambe u safro magaalada Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu qiimeynayaa guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka ATMIS, dib u eegista qorshaha dhimista ATMIS, iyo u hoggaansanaanta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCRs) 26/70 (2022) iyo 26/28.

Saraakiil farsamo oo ka socda dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya oo ka kooban Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Uganda, ayaa bilaabay kulamo loogu diyaargaroobayo shir madaxeedka.

Dhacdadan ayaa daba socota codsigii madaxweyne Xasan Sheikh ee ku aaddanaa in madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni uu martigeliyo shir aan caadi ahayn intii lagu guda jiray shir-madaxeedkii hoggaamiyeyaasha Afrika ee Mareykanka ee ka dhacay Washington DC December 2022.

Shir-madaxeedkan waxaa ka horreeyay shirar ay yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Xoghayeyaasha Joogtada ah, iyo Kulanka heer Wasiir ATMIS, dalalka (TCC) iyo Dowladda Soomaaliya, kaasoo dhacay  25-kii iyo 26-kii Abriil.