4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Guri ku dumay qoys reer Berbera ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac


Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Hal qof ayaa dhintay 2 kalena way dhawacmeen kadib markii uu guri  qadiimi ah oo ku yaala xaafada Daaroole ee magaalada Berbera ku dumay qoyskii daganaa.

Qofka dhintay ayaa ah gabadh da'ah oo maamadii guriga ahayd, isla markaana waxa uu dhaawac culusi soo gaadhay gabadh kale halka inan yarna lasoo bad baadiyay iyada oo ku neef qabatowday burburka.

"Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray 3 qof, islaan mayd ah, inan yar oo sirirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta" Mid kamid ah goobjooyasha ayaa sida Saab TV u sheegay.

Gurigan oo ahaa mid qadiimi ah ayay qoyska dagani horayba uga warwar sanaayeen in uu dhibaato u gaysto sida qaar kamid ah goob joogayaashu Saab TV u sheegeen.

"Saddex billood ka hor ayay hablahaasi kasii calaacalayeen guriga hadana saaka qadarka Ilahay ayaa dhacay" Mid kamid ah goobjoogayaasha ayaa sida yidhi.

Ciidamada dab-damiska ayaa u gurmaday qoyska dhibaatadu soo gaadhay iyaga oo gabadha dhimatay marka laga reebo soo badbaadiyay qosyska intii kale.