4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi

Isniin, April, 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Albert Shingiro oo booqasho qaadaneysa laba maalmood ku jooga magaalada Muqdisho.

Wasiirka Albert Shingiro ayaa soo gaarsiiyey Madaxweyne Xasan Sheekh fariin iyo salaan uu ka siday dhigiisa Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay guud ahaan gobolka iyo Adduunka oo dhan.

Wuxuu sheegay wasiirka arrimaha Dibadda dalka Burundi in dowladda iyo shacabka reer Burundi iney bogaadinayaan guulaha deg dega ah ee dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ka gaartay dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, isagoona sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa kala hadlay Wasiirka arrimaha Dibada Burundi xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxuuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalka.