4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2023
Maraykanka oo sheegay inuu burburiyay awooddii Daacish ay ku lahayd Soomaaliya, Suuriya iyo Iraq
 

Isniin, April, 24, 2023 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay daciifisay awooddii kooxda Daacish, kaddib markii ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay sare u qaadeen olole lagu burburinayo kooxdan.

Howlgallada ciidamada Mareykanka ay ka wadeen Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa lagu dilay afar ka mid ah madaxda ugu sareysa ee Daacish tan iyo bilowgii sanadkan 2023.

Tallaabooyinkan ayay dowladda Maraykanka sheegtay inay gacan ka geysanayaan sidii loo curyaamin lahaa mashiinka howlgallada Daacish.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in xubnaha la qaari jiyay ay kamid yihiin, taliyayaashii mas'uulka ka ahaa qorsheynta weerarrada Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maraykanku wuxuu sidoo kale sheegay in la dilay gacan-ku-dhiiglayaal muhiim ah iyo kuwo saameyn leh oo katirsanaa kooxda Daacish.

“Hoggaamiyaha cusub ee ISIS waa mayd socda’ ka dib markii hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Daacish lagu baabi’iyay howlgalka Mareykanka uu hoggaamiyo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Maraykanka.”

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Mareykanka ayaa bishii January ee sanadkan duqayn ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish.

Pentagon-ka ayaa hoggaamiyahaas magaciisa ku sheegay Bilaal Al-Sudani oo mas'uul ka ahaa kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee ISIS ee Afrika iyo maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan Afgaanistaan.