4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Garaad Mukhtaar oo sheegay in ay iska difaacayaan ciidamada Somaliland ee jooga Gooja-cadde

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka tirsan isimada SSC, ayaa sheegay in albaabkasta oo nabadeed usoo xidhmay isla markaana ay is difaacayaan.

Garaadka ayaa sii xoojiyay hadalkii garaadka guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali uu ku sheegay in uu dulqaadkii ka dhamaaday oo ay la dagaalamayaan Somaliland hada kadib.

"Kulka dhariga waxa ka keena waa kulaylka, dilka iyo madfaca dhacaya wuxuu socda muddo 3 billood ah, inta waxaanu ku jirnay is difaac iyo is ilaalin, hadalka garaadku wuxuu daaranaa in aanu u taaganahay waji kasta oo aanu isku difaaci karayno" ayuu yidhi Garaad Cali.

Garaadka ayaa sheegay in dhamaan rajooyinkii wadahadalada ee lagu joojin lahaa colaada Laascaanood ay suuragali waayeen isla markaana ay dagaalamayaan hadii ciidamada Somaliland aan la gayn Oog.

Waxa uu sheegay in xadka ay Somaliland ku doodaysa uu yahay mid Ingiriis jeexay, Ingiriisna aanu wakiil ka ahayn meesha ay tahay in Soomaalidu xad ka dhigato sidaa daraateed ay iyagu rabaan xuduudo beeleedyadii hore ee Soomaalida u dhaxayn jiray ama xuduudihii 60 kii kadib lagu heshiiyay.

Ugu danayn, waxa uu sheegay in wadahadalku uu ku iman karo oo kali ah hadii ciidamada Somaliland saldhiga Oog la geeyo.