4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Alshabaab oo soo bandhigay ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii Galcad

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay magaca iyo macluumaadka ninkii isku qarxiyay saldhigii ciidmada Danab ee magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Abshir Caamir Isxaaq ayaa kasoo muuqday barnaamij kooxda ay ka diyaarisay weerarkii bishii January Alshabaab ay kula wareegeen magaalada Galcad, halkaas oo maalmo ka hor laga qabsaday.

Alshabaab ayaa wareysi ay ka qaadeen ismiidaamiyaha wuxuu ku sheegayaa inuu kasoo dagaalamay gobolada Baay iyo Galgaduud.

Abshir Isxaaq ayaa markii dambe wuxuu ku biiray koox loo diyaariyay inay fuliyaan weerarada ismiidaaminta ah ee Shabaabku sameeyaan.

Alshabaab ayaa weerarkii Galcad ku dilay askar badan iyo saraakiil ciidan oo uu kamid ahaa Gen Xasan Tuur oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, oo ay sheegeen inay aad ugu raad joogeen.