4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2023
Hay'adda NISA oo shaacisay iney howlgal qorsheysan ku dishay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Sabti, April, 22, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxeeysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaas qorsheysanaa ayaa lagu dilay in ka badan 20 dagaalame oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaana lagu dhameystiray tiro intaas ka badan oo dhaawacyo ah ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska NISA.

Warsafaxadeedka kasoo baxay hay'adda NISA ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsan Shabaab uu dhacay habeenimadii Khamiista oo taariikhdu ahayd 20-ka bishan April, islamarkaana lagu beegsaday kooxda oo isku abaabuleysay dhulka howdka ah.

Hay'adda NISA ayaa ugu dambeyn u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ee kala shaqeeya dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-