3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Dowladda Soomaaliya oo raadinaysa dhaqaalihii dib loogusoo celin lahaa ciidamada ku maqan Eritrea

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay inay caqabad ku tahay soo celinta kumannaanka askari ee ku maqnaa dalka Eritrea tan iyo markii ay soo dhameysteen tababar ciidan.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu wasiirku dowlaha ku sheegay in dowladdu ay weli baadi-goob ugu jirto dhaqaale, isagoo codsiyo u diray dalal dhowr ah oo ay saaxiibo yihiin oo ay ka codsadeen in la siiyo kaalmo dhaqaale oo awood u siinaysa inay soo celiso askarta iyo qalabeynta.

“Sidii uu horay u ballan qaaday Madaxweynaha, ciidamadaas waa la soo celinayaa, laakiin dib u dejintooda waxay u baahan tahay lacag badan, gaadiid, saldhigyo ciidan iyo qalab ay ku dagaallamaan,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Goor sii horeysay, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in Eritrea ay ka dalbatay madaxda Soomaaliya in ay bixiyaan 50 milyan oo doolar haddii askartaas dib loogu celinayo dalkooda. Inkastoo warkaas ay dowladdu markiiba beenisay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo bishii july booqasho ugu tagay ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Eritrea, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu si degdeg ah dalka ugusoo celiyo ciidamadan, si looga faaidaysto dib u xoraynta dalka iyo sugidda amniga.












Click here
9/29/2022 10:52 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan geeridii ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo uu sheegay inuu ka mid yahay halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday difaaca dalkooda iyo dadkooda.

9/29/2022 10:29 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.

9/29/2022 6:21 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal oo u dhow caasimada Hargaysa.

9/29/2022 6:03 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntland u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.

9/29/2022 5:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay halkaasi in dadka ku dhintay uu ka mid noqday Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn caanka uga ahaa gobolka Hiiraan.

9/29/2022 3:39 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel qooxle oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidanka dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.

9/29/2022 3:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhigeeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

9/29/2022 1:06 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.