2/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Dagaal culus oo ka socda deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel qooxle oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidanka dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar kusoo qaadeen subaxnimadii hore ee saakay Saldhig ay halkaasi ku lahayeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhawaan uun la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo socda waqti badan, kaasoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aanan la ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka socda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada uu dhexmarayo dagaalka ka socda deegaanka Ceel qooxle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo Al-shabaab lagala wareegay dhowr maalin ka hor.












Click here
9/29/2022 1:14 PM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay inay caqabad ku tahay soo celinta kumannaanka askari ee ku maqnaa dalka Eritrea tan iyo markii ay soo dhameysteen tababar ciidan.

9/29/2022 10:52 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan geeridii ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo uu sheegay inuu ka mid yahay halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday difaaca dalkooda iyo dadkooda.

9/29/2022 10:29 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.

9/29/2022 6:21 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal oo u dhow caasimada Hargaysa.

9/29/2022 6:03 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntland u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.

9/29/2022 5:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay halkaasi in dadka ku dhintay uu ka mid noqday Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn caanka uga ahaa gobolka Hiiraan.

9/29/2022 3:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhigeeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

9/29/2022 1:06 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.