3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal
 

Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isaga iyo wafdigiisa wadahadalo laba geesood ah waxay la yeesheen Rayaal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Golahiisa Xukuumadda.

Labada masuul ayaa wadahadalooda ku muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika, islamarkaana la amba qaadayo iskaashiga miro dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay dhankiisa durufaha la xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxuuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya oo degan oo leh dowlad xooggan.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa ku weheliya boqashada ayaa dhiggooda dalka Itoobiya la yeeshay kulan wadareed lagu lafa gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqoashada madaxweyne Xasan ee dalka Itoobiya ayaa noqoneysa tii ugu horeysay uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo wixii ka dambeeyay 15-kii bishii May ee sanadkaan oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo mudadaasi waxii ka dambeeyay madaxweynaha Soomaaliya uu safaro kala duwan uu ku tagay dalal badan oo ay ka mid yihiin kuwa geeska Afrika iyo Caalamkaba.












Click here
9/28/2022 5:04 PM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ay u geeriyooday biyo sumeysan oo ay ka cabeen Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow.

9/28/2022 4:13 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

9/28/2022 3:58 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 qarax oo Alshabaab u qorsheynaysay inay weerarro uga geysato magaalooyinka Puntland iyo Somaliland.

9/28/2022 3:25 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

9/28/2022 2:56 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Maraykanka ayaa soo saaray warbixin sannadle ah oo uu ku qiimeynayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqeymaha laga soo billaabo 2021.

9/28/2022 2:30 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland, ayaa ugu baaqay barlamaanka Soomaaliya inay xasaanadda kala laabtaan xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo saxaafadda kasii daayay hadal abuuray dhaleecayn badan.

9/28/2022 2:09 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Ilyaas Cali ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada ah in Alshabaab ay ciidamo ka tirsan Nabadsugida Koonfur Galbeed ku dileen Seydheelow.