3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 28, 2022
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah


Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay caawinta dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Ciidamada iskaashanaya ayaa dadka beeraleyda ah ee degan nawaaxiga degmada Buulaburte ka caawiyay iney la abuuraan beerahooda, xili la sheegay in deegaanadaasi ay ka da'deen roobab aan badneen.

Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinaayay ciidanka xoogga dalka oo ku labisan dareeskooda oo beer abuur la sameynaya dad beera qodato ahaa oo ku howlana abuurka beerahooda.

War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka ay haatan bilaabeen tacbashada beerahooda, kadib markii deegaanadooda laga saaray Al-shabaab oo la tilmaamay iney markii hore qaadan jireen dalagyada u soo go'a dadka beera qodotada ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Al-shabaab dagaalada kula jira ayaa horay gargar bani'aadanimo ugu fidiyay qaar ka mid ah qoysaska ku nool deegaanada gobolka Hiiraan ee Al-shabaab laga saaray.














Click here
9/28/2022 5:04 PM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ay u geeriyooday biyo sumeysan oo ay ka cabeen Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow.

9/28/2022 10:49 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isaga iyo wafdigiisa wadahadalo laba geesood ah waxay la yeesheen Rayaal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Golahiisa Xukuumadda.

9/28/2022 4:13 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

9/28/2022 3:58 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 qarax oo Alshabaab u qorsheynaysay inay weerarro uga geysato magaalooyinka Puntland iyo Somaliland.

9/28/2022 2:56 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Maraykanka ayaa soo saaray warbixin sannadle ah oo uu ku qiimeynayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqeymaha laga soo billaabo 2021.

9/28/2022 2:30 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland, ayaa ugu baaqay barlamaanka Soomaaliya inay xasaanadda kala laabtaan xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo saxaafadda kasii daayay hadal abuuray dhaleecayn badan.

9/28/2022 2:09 AM EST
Arbaco, September, 28, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Ilyaas Cali ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada ah in Alshabaab ay ciidamo ka tirsan Nabadsugida Koonfur Galbeed ku dileen Seydheelow.